|
||||
Qiso Dhab Ah Markii ay cashadoodii dhammaysteen buu dareemay in ay gabadhu weli soo eegayso. Wuu jalleecay oo inta u dhoollacaddeeyey dhan uga jeestay. Wuxuu bilaabay in uu isku madaddaaliyo koobkii uu wax ku cabbaayey. Qoob fardood buu kaga yeersiiyey, Krrrrm! Krrrrm! Krrrrm!. Mar ciddiyihiisa ayuu ku falaadaa, marna hareerihiisa ayuu daawadaa. Wuxuu u bartay in uu weerarka daymada hablaha kaga xishoodsiiyo, balse isagaa markan diiradda lagu hayey. Gabadhu maba libidhsanayso! Cawil intuu xaalladdaas u adkaysan waayey buu ku yiri, "Hani, ma waxaad doonaysay in aad wax ii sheegto?" "Haa. Walaalow waxaan ka fikiraayey waxa aad aniga iga damacsan tahay." Cabbaar intay ka aamustay bay u raacisay, "Ma guur baad iga rabtaa, mise gaabsi?" Boorsadeedii markan intay kursiga dhinaceeda ka soo qabsatay bay dhabteeda saaratay. "I dhagayso," ayuu yiri Cawil. "Seddex goor ayuun baan is aregnaye, sidee iiga fillaysaa in aan go'aan caynkan ah gaaro?" "Anigu ninyahow derbiyo isistaag iyo isdabacarcarar wakhti uma hayo ee haddaad wax ii haysid haatanba ii sheeg." "Waxay ila ahayd marka hore in aan is dabeecad baranno, ka dibna haddaan isu qalanno aan guur ka sheekaysanno." Welwel baa Cawil ku jiray, wuxuuse door biday in uu daacad ugu warramo. Markuu intaas yiri bay illayn diyaar bay ahayde Hani miiskii ka kacday. Gacanteedii buu Cawil haabtay, saa way iska gundhisay oo ka sii dhaqaaqday! "HANIII!" ayuu kaga daba qayliyey. Gabadhii intay socodka boobsiiyey ayey ugu dambeyntii orod albaabka uga baxday, dibna uma soo jeedsan. "Kaagaas oo kale waannu naqaannaa!" ayey ugu jawaabtay markay waddadii timid oo aragtay inuu Cawil ka soo daba qaatay. Durba intay taksi meesha maraayey gacanta u haadisay ayey degdeg uga gashay. Cawil oo yaabban, oo naxsan ayaa sii eegay illaa uu taksigii ka libdhay. --oo00oo-- Dhowr toddobaad ka hor habeenkaas ayuu Cawil waxa uu booqasho maalin Sabti ah ugu tegay saaxiibkiis Xasan. Markii ay qadeeyeen iyagoo fadhiga ku nasanaya ayey Suleekha, xaaskii Xasan, inta ay u timid ku tiri, "Waxaan u malaynayaa in ay sheeko badan isugu kiin hartaye, waan idiin firaaqaynayaa xaafadda. Shaahii tarmuuskuu idiinku jiraa, haddaad ii baahataana waxaad iga soo wacdaan guriga reer Afrax." "Waad ku mahadsan tahay qadadaadii macaanayd, dumaashi," ayuu Cawil Suleeqa oo sii socota ku yiri. "Adaa mudan," bay tiri, "Mar mar noo kaalay oo ha lagu arko." Xasan intuu kacay ayuu xoogaa afadiisii albaabka kula sii faqay, ka dibna intuu ka soo xiray ayuu la soo fariistay Cawil. "Ninyahow waa adigan baraaraye malaha guurkii kaagama uu darin." Ayuu Cawil yiri. "Cawilow faa'iidada guurku leeyahay waxaa ugu yar nafaqada. Bal xusuuso waagii aannu wada degganayn ee aan soolanaha ahayn. Ka warran baastadii aanu kadjabka ku iidaaman jirnay?" Cawil intuu madaxa ruxruxay ayuu yiri, "War ha i xasuusin xaalladda aan weli ku jiro! Dadkoo dhan ma sidaadaad moodday?" "Waxaan uga dan leeyahay marka aad guursato, in ay niyaddaadu degayso, iimaan wanaagsan aad yeelanayso, bulshaduna ku ixtiraamayso. Waxaad tahay nin dhallin yar oo shaqaysta, wax kaa dhiman oo aan ahayn qof nolosha kula qaybsada ma jirto. Haddaba wixii wanaagsanba waxaa fiican in aan kula jeclaado ee saaxiib xertayada ku soo biir." Xasan wuxuu u dhaqaaqay dhankii jikada si uu shaahii u keeno. Markuu Xasan soo noqday ayuu Cawil yiri, "Xasanow, gabar wanaagsan oo aan isu qalanno ayaan weli raadinayaa, marka aan helana haddee ogow minxiiskaygii baad tahay." "Sharaf wayn bay ii tahay in aan kugu garab galo," ayuu yiri Xasan. Markii uu bakeeriyadii shaahii ku shubay ayuu su'aalay in uu caddays rabo. "Maya kan labaad baad ii caddayn doontaa," ayuu Cawil kula kaftamay. "Haye," ayuu Xasan yiri, intuu shaahiisii kabbaday, "bal warran; maalmahan maxaa la soo sheegay?" "Arrimahaas inta aynaan u gelin, waxaan doonayaa in aan kaa waraysto sida aad Suleekha ku kulanteen. Waxaan uun aragnay adigoo leh 'waan idinka guurayaa ... waan guursanayaa'. Sidee ku baratay ilaa waad naga qarsataye?" Xasan intuu ku qoslay buu yiri, "Waxaan ka soo qaaday Keele iyo Eglinton iyadoo bas ku sugaysa. Dixon baan keenay, kadibna taleefonkeedaan waydiistay iyo inaan wada sheekaysan karno, seddex bilood ka dibna arrimihii oo dhan waan soo gebagebaynay, maantana waa adiga na arkaaya." Cawil waxa uu garwaaqsaday in uu ku khaldanaa hablihii faraha badnaa ee uu mar walba dariiqa ku dhaafi jiray. Wuxuu yiri, "Maanta ka dib lagama yaabo in aan qof Soomaali ah, wiil ama gabar, aan waddada uga tago. Illayn talo isuma kaa sheegto." --oo00oo-- Cawil waxa uu ku tashaday in uu tijaabiyo qaabkii Xasan iyo Suleekha isku barteen. Waxaa ka hor yimid riwaayadaha iyo xafladaha dhallintu ku kulanto oo uu natiijo wanaagsan ka waayey. Reerkooda iyo hadday ku tahay deriskaba kuma aanu arkin gabar uu la dhaco. Maalin walba marka uu shaqada u sii socdo ama ka soo socdo sida taksiilaha ayuu waddada hareeraheeda ka eegaa gabar Soomaali ah oo bas sugaysa. Meel walba oo uu safarkiisa ka bilaabayo waxa uu ku ducaystaa, "Ilaahow gabar Soomaliyeed oo bas sugaysa". Haddii uu firaaqo u helo, wuxuu soo agmaraa dugsiyada ay dhigtaan, marka ay ardadu soo baxdo. Waqtigii iyo shidaalkii baa kaga dhammaaday markuu dhowr maalmood sidaa baadigoob ugu jiray. Maalin dambe ayuu adeeg u soo aaday suuq wayn oo ay Soomaaliduna wax ka iibsato. Intii uu ku jiray ayuu arkay gabar bilicsan oo qaybta shaaha iyo sonkorta dhex socota. Dhankeedii buu u soo dhaqaaqay. Markii uu in yar u soo jiray baa laba carruur ah oo aanu markii hore arkin ay ku soo baxeen iyagoo leh, "Hooyo! Hooyo, nacnac noo gad." Intuu iska salaamay buu hore u sii dhaafay. Seddex kale ayuu dhinaca qudaarta ku arkay, waase cajabin waayeen. Cabbaar buu meelaha marmaray, wax uu ku dhacana waa waayey. Dibedda markuu u soo baxay ayuu arkay laba gabdhood oo ay ka dhacayso oo suuqa sii gelaaya. Cawil wuxuu is yiri, "Sidaan meesha kagama tegi kartide, wixii soo baxa iska sug". Gaarigiisii buu albaabka agtiisa soo dhigtay. Dadka kale wuxuu ugu muuqday in uu qof sugaayo, cid danaynaysayse ma jirin aan ka ahayn dhallinyaro gawaaridooda, sida taksiilaha, dadka alaabta ugu qaada oo meesha ka qaraabta. Cabbaar buu fadhiyey oo isagoo isu camiraaya kolba saacaddiisa eegaa. Dhallinyaro wiilal ah oo taqaanay oo la kulantay ayuu xitaa ka diiday inuu caawiyo. Markan waxay ka ahayd, "Ilaahow gabdho Soomaaliyeed oo gacan iiga baahan". Saacad ka dib buu kafee ka doontay. Soo noqodkiisii ayuu arkay, gabdhihii uu u hanweynaa oo ka raacay gaari kala jiidan oo wiilal asaaggiis ah ay wataan. Markay saacado ku dhaafeen ayaa waxa dibedda soo istaagtay haweeney waayeel ah oo dhididku ka tifqaayo iyadoo labo bac oo waayeyna la luudaysa. Wuxuu is yiri, "Tolow tan wax u ciidamiya ma weyday?" Intuu soo degay ayuu ku yiri, "Eeddo, keen kuu qaadee." "Maandhow duca qabaad tahaye, hoo," ayay haweenaydii la soo boodday. Intuu alaabtii gaariga u soo saaray buu iyadiina albaabka ka furay. Markay soo galeen buu haybiyey halka ay deggan tahay, waxaanay u sheegtay in ay Dixon u socoto. "Eeddo," ayuu Cawil ku yiri markan oo ay waddadii ku soo dhaceen, "alaabtaan oo dhan maxaa kugu raray?" "Eeddo wiilkaygii oo Iglan jooga ayaan oodkac u jarayaa. Xoolihii waddankaasoo idil baa la yiri cudur baa kaga dhacay. Eeddo waa madiyoo ma doonayo inuu iga jirrado." "Ma keligiis baad carruur ka leedahay?" "Maya ee gabdho aan dhalay baa halkan jooga." Cawil uurkuu ka yiri "Haakah! Wallee maantay kaa fuqday". Intuu soo jalleecay buu ku yiri, "Eeddo Cawil baa la i yiraahdaa ee adiguna magacaa?" "Cambaro," ayey ugu jawaabtay Waxay yimmaadeen daartii ay Cambaro degganayd. Intuu soo degay buu albaabkii ka furay alaabtiina u soo dejiyey. Wuu u soo qaaday oo ilaa gurigeeda u keenay. Waxay haweenaydii kaga dhaaratay inaanu bixin ilaa uu inta soo galo wax qabow cabbo. Albaabkii intay in yar furtay ayey gudaha ugu qaylisay, "Hibaaqeey hooyo, waa la ila socdaa!" Daqiiqad ka dib bay soo galeen gurigii si gabadha gudaha ku jirta ay u siiyaan fursad ay isugu diyaariso. Markuu Cawil alaabtii gudaha u dhigay baa loogu baaqay kuraastii fadhiga in uu ku nasto, haweenaydiina waxay gabadheedii ku amartay in ay wiilka wax qabow siiso. Hibaaq waxay ka soo baxday qolalkii mid ka mid ah. Waxay xidhnayd garays Iliindi ah, garbasaarna way hagoognayd. Waxay ahayd gabadh joog iyo jamaalba leh. Intay yare dheerayd bay haddana jalaqsanayd. Iyadoo dhoollacaddaysa ayey dhankii Cawil u soo dhaqaaqday. "Ahlaan wasahlan Hibaaq!" ayuu Cawil gabadhii si dhiirran ugu salaamay. "Nabad walaaleh," ayey Hibaaq debecsani ugu tiri. "Cawil," ayuu ku yiri intuu salaan u soo taagay. Way ka qaadday. "Waxaan u malaynayaa in aan hore u kullanay, mase garanayo meeshay ahayd kolley wejigaagu waa igu yaallaa." Intay Hibaaq ilko aad u cadcad daaha ka qaadday bay tiri, "Waa laga yaabaa in aan hore isu aragnay. Wax qabow miyaan kuu keenaa mise shaah baan kuu kariyaa?" "Hadba kaad ii garato. Wax qabow baase kuu dhib yar baan u maleynayaa." "Haddaba hays martiyeynin minanka minankaagii waayee," bay tiri iyadoo jikada u sii socota. Markay cabbitaankii u keentay ayey Hibaaq inankii xoogaa fadhiga ugu sii sheekaysay. Way is wareysteen oo isu xog-warrameen. Hibaaq waxay wax ka baranaysay Jaamicadda Toronto, gelinna waxay ka shaqaynaysay dukaan dharka lagu iibiyo oo beledka hoose ku yaal. Waxay uga warrantay sida uu waqtigeedu ciriiriga u yahay oo aanay nafis uga helin howl-maalmeedkeeda. "Dhowaan bay imtixaannadii ii dhammaadeen, waana ilaahay mahaddii wax duruus ah la iguma lahan." Markuu Cawil sii baxaayey bay Hibaaq sii dhoweysay. Waxay la tagtay ilaa halkii gawaarida la dhigan jiray. Gaarigii Cawil ma oollin halkii uu kaga tegay. Hareeruhuu ka dayey isagoo fahamsan in uu meel khalad ah uga tegay oo laga jiitay. "Abaayo halkanaan dhigtay, waxaanan filayaa in la iga jiitay," buu Cawil gabadhii ku yiri. Welwelka Cawil way dareentay gabadhu inkastoo uu ka qarinaayey. Si deggan bay Hibaaq ugu tiri, "Waan ka xumahay aboowe, hase ahaatee waxba ha ka welwelin anigaa kula doonayee." Intay ka codsatay in uu sii sugo ayey gurigii ku laabatay. Daqiiqado ka dib bay soo noqotay iyadoo fureyaal wadata markaasay ku tiri, "Ina keen anigaa ku geynaya meeshii aad doontee." Gaariga Hibaaq wuxuu ahaa mid yar oo noocyada Jabaanka ah. Markii ay gudaha gashay bay albaabka ka furtay. Waxay ku soo dhaqaaqeen waddadii, welise Cawil wax hadal ah kama aanu soo bixin. Intay soo yara jalleecday bay ku tiri, "Waxaasoo dhan hooyaday baa kuugu wacnayd. Hadday aniga i sugi lahayd tani kuguma dhacdeen." Cawil intuu soo baraarugay buu ku yiri, "Waxaa ii qornayd in aan adiga maanta ku barto. Taas baan isku madaddaalinayaa, waana mid u qalanta wixii iga soo gaara oo kale." Gabadhu intay isku yare xishootay bay hoos u tiri. "Waad mahadsan tahay." Hibaaq waxay inankii geysay rug lagu xareeyo gawaarida sharciga jebiya ee boliisku soo qabto ama la jiito. Waxaa Cawil laga qaaday lacag ganaax ah intii aanan loo fasaxin in uu baabuurkiisa la baxo. "Hibaaq aad iyo aad baad u mahadsan tahay," ayuu gabadhii ku yiri. "Howl badan baad iga furatay, waxaanse jeclaan lahaa in aan mar kale kulanno iyadoo qalalaase kale aanu inagu jirin." "Waxba kama qabo," ayey tiri iyadoo xishoodna indhaha ka dadbaysa. "Ka warran haddii aan ku soo waco si aanu waqtiga isula garanno?" Markay taleefoonnadii kala qorteen bay kala tegeen. Cawil ugu dambayntii waxay u ahayd guul iyo rajo cusub oo ku soo korortay la kulanka gabadh Soomaali ah. --oo00oo-- Maalintii ballantooda oo uu Cawil aad u dharersanaayey ayaa la soo gaaray. Waxay ahayd Sabti uu shaqadana ka nasanaayey. Wuxuu duhurkii tegay timajare halkaasoo inta timahana loo soo hagaajiyey garkii iyo shaarubkii toddobaadkaas ku baxayna looga soo xiiray. Gaarigiisii buu soo dhaqday, shidaal badanna ku soo shubtay. Markii uu gurigiisii ku soo noqday buu haddana qubaystay. Wuxuu ku soo lebistay jubbad, surwaal madow, shaar cad, dhuunqabad midabbo leh, iyo kabo madow oo aad u dhallaalaya. Wax ka dhinnaa ma lahayn markuu ugu dambeyntii barafuunkiina isku soo buufiyey. Firaaqada Hibaaq oo aad u adkayd bay aawadeed ku ballameen beledka hoose in ay isugu yimaadaan marka ay gabadhu shaqadeeda soo dhameysato. Hase ahaatee, waxay Hibaaq goobtii timid iyadoo aanay daal iyo dacdarro ka muuqan. Jooggeeda dheer bay aawadeed soo xiratay kabo madmadow oo gaaban. Waxay ku lebisnayd cambuur dheer oo madow, boorso u egna garabkeeday ka lulatay. Timaheedii dhaadheeraa gadaal bay u sii daysnaayeen iyagoo foolkana ku jaran, dhexdana waxa ugu giijisnaa suun dahabi ah oo si u shabbahay midabka timaheeda. Farxad bay la dhoollacaddaysay markay Cawil oo daqiiqado ka soo horreeyey aragtay. "Waan ku faraxsanahay aragtidaadan qaayaha badan," buu Cawil ku yiri. "Miyaan kugu soo daahay?" bay su'aashay. "Maya," ayuu ku jawaabay. Waxay halkii ka sii aadeen makhaayad yar oo bilicsan oo uu Cawil hore miis uga sii carbuuntay. Markii soorehii uu miiskoodii keenay buu intaanu fariisan Cawil gabadha kursigeedii u qaabeeyey. Cabbaar bay is hor fadhiyeen oo midba kan kale daymada ku xadaayey. Dhiirranaan buu xoogaa ugu daahay daawashada wejigii gabadha. Niyadduu ka yiri, tani waa mid kala xiran. Hibaaq markay aragtay bay xishood dartii dhanka kale uga jeesatay, isaguna isagoo dhoollacaddaynaya una bogay fallaaraha dareenka ee dhexdooda isdhaafaya ayuu isaga negaaday. "Aboowe wax yar iga raalli ahow," bay Hibaaq tiri intay sare u kacday. Wuu istaagay intay sii baxaysay, waxaanay gabadhii u dhaqaaqday qolalkii kortagga. Markay Hibaaq soo noqotay, ayey xoogaa sheeko guud isku madaddaaliyeen intii dalabkooda looga keenaayey. Waxay ahayd maqaayad Carbeed oo ku caan ah cuntooyinka Bariga Dhexe. "Hibaaqeey waxaan ku su'aalay, ma jiraa qof ay sheeko idinka dhaxayso?" ayuu Cawil su'aalay markii macmacaankii ugu dambeeyey loo keenay. "Maya sababtoo ah shaqada, iskuulka iyo howlaha guriga ayaaba aniga iga adag." "Waxaan danaynayaa in aan barashadeenna iyo sheekada dhexdeena aan sii wadno iyadoo aanay khilaafin howlahaaga kale. Maxay kula tahay?" "Ma xuma ayaan u malaynayaa." Markii hore waxay ku talagalsanaayeen in ay shineemana sii galaan, balse sheekadii baa isugu baxday oo kaga maarmeen maaweelo kale. "Cawilow, waxaan kaa codsanayaa, haddii aad doonayso in uu xiriirkeennu sii jiro in aad marnaba been ii sheegin," ayey tiri Hibaaq. Markan waxaa u yaallay labo koob oo shaah ah. "Maxaad ka waddaa beenta aan kuu sheegayo?" ayaa Cawil su'aalay, intuu miiska dhigay koob gacanta uu ku sitay. "In aad gabdho kale igu dul wadato iyo waxyaabo la mid ah." "Macnaha ma in ay sheekadu inagu koobnaato mise waad ka hinaasaysaa?" "Intaba. Aniga laftaydaa taas kuu ballanqaadi lahaa." "Hagaag. Waa ballan, beenna kuu sheegi maayo." "Haddaba ma jirtaa mid kale oo aad sidayda wada sheekaysataan?" "Maya, ma jirto gabar kale oo ay sheekadeennoo kale inaga dhaxayso," buu Cawil yiri. Mahad badan buu ku qabay in uu baadidoonkiisu dhammaaday uuna ka raystay wareegiisii habeen iyo maalin uu magaalada meereysan jiray si uu mid iyada oo kale ah ula kulmo. In yar buu inta hakaday ku daray, "Ma jirtaa wax kaloo dheeraad ah oo aad i waydiinayso?" "Haa." "Soo daa haddaba." "Waxaan rabaa in aan ogaado waddada uu xiriirkayagu ku socdo." "Waxaan doonayaa in uu noqdo mid waara oo weligiis jira. Adigase maxay kula tahay?" "Waan kugu raacsanahay." "Haddaba ma waxaad doonaysaa in aan dedejinno mise in aan marka hore is dabeecad baranno, kadibna aan aayihiisa ka tashanno?" ayuu weydiiyey Cawil. Koobkiisii buu haddana qaatay oo kabbaday. "In aan marka hore si fiican isu baranno ayaa ila door roon." "Sidaa aawadeed, taladaadaa jirta, aniguna waan kugu raacay ee ka warran?" Goor dambe oo la xiri lahaa ayey ka soo tegeen maqaayaddii. Markuu gurigeedii keenay oo ay degaysay ayuu Cawil inta ka hor degay gaariga albaabkiisa ka furay. Xushmayn iyo ikhyaarnimo ulama aanu kala harin aan ka ahayn in uu ubax guddoonsiiyo markii ay timid. Niyadda ayuu isagoo isguubaabinaaya iska yiri, Markan marka xiga. Wuxuu u sii dhoweeyey gurigeedii, wuxuuna ku hubsaday wiishkii dabaqeeda u qaadi lahaa. "Hurdo caafimaad leh ayaan kuu rajeeyey," buu ku yiri. "Anigana sidoo kale. Waadna ku mahadsan tahay habeenka caawa ah ee wanaagga badan." Iyadoo gacanta u haadinaysa ayey ka sii dhaqaaqday, nabadgelyona u sii rajaysay. "Nabadgelyo," ayuu ku yiri cod gaaban oo uu ka shakiyey in ay gabadhu maqashay. Mar kale ayuu sare ugu dhawaaqay. Wuxuu ka soo dhaqaaqay iyadoo mar kale gacanta u haadinaysa. --oo00oo-- Cawil markuu gurigiisii ku soo noqday habeenkaas, daqiiqado ka dib isagoon dharkaba iska beddelin ayaa talefoon u soo dhacay. Wuu qabtay, waxaanay ahayd Hibaaq. "Haye Hibaaq..." "Waxaan hubsanaayey in aad xaafaddaadii nabad tagtay," ayey ku tiri intii aanu hadalkiisii dhammaysan. Dareen naxariiseed baa Cawil durbadiiba jirkiisa dubaaxshay. Waxay ugu horreysay gabadh sidaa ula dhaqanta. Intuu kursi hoostiisa yaallay ku fariistay ayuu ku yiri, "Waad mahadsan tahay, macaan. Waan nabad imid xaafaddaydii." "Aboowe," ayey tiri Hibaaq, "Waxaan kaloo doonayaa in aan kuu sheego in aad Jimcaha aniga ii casuman tahay haddii aad firaaqo tahay." "Waxba kama qabo, laakiin maxaad isu dhibaysaa?" "Waxaa talada arrintan leh hooyo oo waxay iga codsatay in aan ku casuumo. Haatanse yaanan waqtiga kaa qaadine, nabadey. Hurdo caafimaad leh baan kuu rajaynayaa" Markay mar kale is macsalaameeyeen ayuu Cawil dib uga fikiray arrimihii uu Hibaaq kala kulmay. Wuxuu isu barbardhigay ballantiisii ugu dambeysay ee Hani iyo tan habeenkaas ee Hibaaq. Isagoo mowjaddaas ku jira baa waxaa mar kale yeeray da****ii taleefonka. Markan waxay ahayd Hani. "Ii warran Cawilow, sow nabad maaha?" ayey Hani ku tiri. "Nabad walaal," ayuu yiri, wuxuuna la yaabay sida uu niyadda ugu haayey iyo maqalka codka gabadha ee isla kulmay. "Caawa oo dhan baan ku soo wacaayey, waan ka xumahay in ay goor dambe tahay," ayey ku tiri. Isagoo dhoollacadeynaya ayuu ku yiri, "Macna malahan, dhowaan baan laftaydu soo galay." Intay xoogaa ka hakatay bay tiri, "Waxaan kuu soo wacay in aan kaa raalli geliyo sidaan habeenkii dhowayd kaaga soo tegay. Waxaa aad iiga hor yimid wiilasha waayadaan ..." "Waan ku fahamsanahay," ayuu yiri Cawil isagoo hadalkeedii barjaray. "Raalli baan kaa ahay, garna waad u leedahay in aad samayso wixii kula gudboonaaday. Waxaan kuu sheegayaa in uu baadigoobkaygii soo idlaaday. Aad baad ugu mahadsan tahay raalligelintaadan, waanan kaa guddoomay --------
|
Qoraaga Sheekadaan
Abdiaziz Mohamed Ali Dhiiga |
|||